Mid Ka Mid Ah Wariyeyaasha Ka Howlgala Idaacadaha Magaalada Muqdisho Oo La Afduubtey

Wariye ka howlgala mid ka mid ah idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay afduubteen kooxo hubeysan.

Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka mid ahaa shaqaalaha Idaacadda Goob-joog ee magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegayaa in laga afduubtey duleedka magaalada Muqsisho xilli uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaala deegaanka km 13.

Wararka Afduubka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay saake Wariyaha ka wateen meel ku dhow Gurigiisa, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn cidda afduubatey iyo halka ay ula dhaqaaqeen.

Afduubkan ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey garab ka mid ah Garabyada isku haaya hogaanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nusej, waan dhacdadii ugu horeysay oo lagu Afduubto Wariye oo ka dhacda magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran