Shirkadda Somtel Oo Ka Qeyb Qaadaneysa Hormarka Nambar 50, Xarun Cusub-na Ka Furaneysa (Sawiro)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah Shirkadaha isgaarseed ee ka howlgala guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa bilaawdey sidii ay uga qeyb qaadan laheyd hormarka isgaarsiin ee Gobolka Shabeelada hoose.

Degmada Nambar 50 oo culeys isgaarsiin ay saartey Shirkadda dhiig miiratada ah ee Hormuud ayaa hadda waxa laga dhisey dhisme cusub oo ay leedahay Somtel, waxaana maamulka Shirkaddaas uu balan qaadey in adeegyo dhameystiran ay deegaanka ka hirgelin doonaan.

Dhinaca kale Maamulka iyo Shacabka deegaanka ayaa shirkaddan ku amaaney doorka horumarineed ee ay ka wado Degmada, waxaana ay balan qaadeen in ay sugi doonaan amaankeeda ayna dhaqaale ku bixin doonaan helidda adeegyatad Somtel.

Degmooyin badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa dhibaato xagga hormarka ah waxa ku haaya shirkadda ku can baxdey inay dhiigga ka miirtaan Shacabka masaakiinta ee Hormuud.

Degmooyinka qaar ayaa waxa xoog ku joogga Maleeshiyaad ay masaruuf siiso Hormuud kuwaas oo u fuliyo dano gaar ah oo shirkadda ay ka leedahay deegaanada qaar, waxaana ka mid ah Magaalada Marka.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE