Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya xaaladda magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in xaalad degenaan ah ay ka jirto magaalada.

Magaalada Marka oo ay isku haaystaan Mooryaanta Gobolada dhexe iyo Ciidamada deegaanka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafey waxa ka socdey howlgal gaar ah oo ay sameenayeen Ciidamada deegaanka ee Maamulka Marka.

Waxa jira dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen khalaalsaha iyo xasilooni la’aanta ka jirta magaalada oo ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada deegaanka, waxaana lagu wadaa in dadkaas lagu fuliyo xukunada ay muteystaan hadii ay ku cadaadaan dambiyada lagu soo eedeeyey.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Maamulka Marka ayaa sheegay inay soo dhameystirayaan howlgaladan gaarka ah, waxaana ay intaa raaciyeen in ay wadaan dadaalo ah sidii ay u qaadi lahaayeen howlgallo lagu baacsanaayo Mooryaanta iyo tuugada la shaqeysata.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE