Xildhibaan Horey Uga Tirsanaa Baarlamaanka Soomalaiya Oo Ku Geeriyoodey Garoonka Muqdisho

Xildhibaan horey uga tirsanaa Baarlamaankii sagaalaad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku geeriyoodey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ex xildhibaan Cali Cumar Nuur oo lagu wadey in saake uu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa lasoo gudboonaadey Wadna xanuun, isagoo markii dambe ku geeriyoodey gudaha Garoonka gaar ahaan qeybta ay fadhiistaan dadka dhoofaya.

Ehelada Marxuumka ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta u sheegay in xildhibaanka muddooyinkii u dambeeyey uu ka xanuunsanaayey Wadnaha, maantana la doonayey in loo dhoofiyo dibada si loosoo dabiibo, waxaana ay intaa raaciyeen in saake uu ku dhintey Garoonka.

Xildhibaankan ayaa horey uga mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka sagaalaad ee jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayey Magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran