Beer-Laxowsiga Farmaajo : Ardd-Soomaal Halagu-Qanciyo, Wixii Ay Rabaan Si Ay Uga Qayb Noqdaan Midnimada Soomaaliya W/Q Mohamed Adaweh

Rag innagu gardaroonaya ma- yara oo ku socda xawli aad u sareeya, kowna uu ka yahey Madaxweyne Farmaajo iyo rajiimkiisa hogaamisa Muqdisho-yar, iyo hogaamiyayaashi ka horeeyey ee iskaga kala dambeeyey xukuumadan isula baxdey dowladdaFederaalka Soomaliyada Cusub. Waxaa xaqiiqa inay ka wada simanyihiin lugta qabta Soomaliland ,yeysan dhaqaaqin.

Rajiimkii Siyaas Barre ee milateriga ahayd baa caalamka ka dhaadhicin jirtey SNM wadanka ayey kala goynaysaa ee meel uga soo wada-jeesta wax gargaarna yaan loo fidin dadkaas ee dhabarka u jeediya, se wey-nagii Illaahey fadligiisi iyo raxmadiisa aynu ku xuduudeheeni kusoo celiney dhawaaqa ah, (Allah weyn ninkii Aamina awoodeh). Maantana waa-taasoo idinkama qarsoona in Mr Farmaajo isagoon koob

shaaha gurigiisi ka cabin in uu cagaha wax ka dayoo, oo safar kedisa a ku tegoboqortooyada Sacuudiga isagoo ku handacoonaya, Ma nimanka wadanka kala gooyey baad maanta Saldhig milateri siinaysaan? haddaad tihiin Duwal Majlis Al-ta’un Al-khaliij Al-arabi (The Gulf Cooperation Council (GCC) nimankaas walaalihiin ee United Arab Emirates-ka ah hala-naga qabto, oo haka joojiyaan saldhigaas Berbera la galayso Somaliland. Munaafaqadii halkeedi ayuun-bey taagan-tahey koley yidhaahdaan Midnimadu waa ahmiyadayada koowaad iyo Koley caalamka taarar u diraan oo inagu diraan kana soo horjeestaan horumarkeena iyo ictiraafka Soomaliland. Dagaalka ay inagu hayaan waxba kama duwana dagaalkii Siyaad Barre , laakiin kani yahey dagaal qalin iyo diplomaasiyad lagu adeegsanayo calankii Soomaliya.

Haddaba inaad u talisaan Ardd-Soomaal , waxa malaha idinka idinka dhow xidigaha cirka ee samada xamar ka widh-widhaya ee danihiina qabsada, dantuna waxay ku jirtaa inaynu isku ixtiraano laba dowladood oo jiiraan ah. Markaa waxaan idin odhan lahaa wax ka bedela siiqadan aad ka wada -simantihiin ee kolba ka xilka qabta, lasoo qaybsiiyo ku hadaaqa in Somaliland lagu qanciyo wax alli-yaale wixii ay rabaan, alleylehee (Mr cadduur dhow-dhowdu uma dhacsana).

Ma ciil baan qabi lahaa, haddii Mr Farmaajo, Xukuumadiisa iyo Barlamaan-kuba ay wax ka ogyihiin Beydkii u waayo-waayo ka tiriyey Qaasim(Allah ha u naxariistee) ee ahayd (ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO, DAARTA KUU GALEY) iyo Markuu Tima Caddena(Alla ha u naxariiste) lahaa, (Duqeydii Barlamaankiiyo Dekadihiiba waa xamar) , Waase nasiib-darro weyn in bilxaqiiqatan ay ka dhoohanyihiin halgamadii taxanaha ahaa ee loo soo marey Somaliland iyo khasaarihii aanu kala kulaney Muqdisho. La-hawl yara in afkoodu ka soo baxo Soomali-weyn waa muqadas. Wixii Illaahey agtiisa xumaani ka reebantahey ayaa muqadas ah, markaa goormey Soomali-weyntii diyaaradaha Somaliland la dhaceysey loogu nisbeeyey muqadas ee dadkoodi iyo dalkoodi diyaarado la dhacey , intii xamar joogtena lagu laayey xeebta Jaziira(Xamar), qaarna roobabkii soo saareen meydkoodi iyagoo xadhko la-isku xidhey. In haddaba caqligii dooni lagawada saarey waxay ku tusinaysaa sida ay isugu-wada sacbiyaan gardarada ay ku hayaan Somalaind sidii (Animal Farm-ka) iyo marka lasoo hadal qaadosoomaliweyn, oo ay weli u haystaan in Ardd-Soomaal wadankoodi yahey.

Tusbixii shanta Soomaliya wey-kala daadatey, Jabuutina watii ugu hor furfurtey ee goonina isula taagtey xorriyadeedi , markey aragtey wixii ku dhacey Soomaliland, anaguna imikaanu kasii dabadaadiney Jabuuti ee Farmaajooy meydkaaga xambaarso.

Maanta waa Allah Mahadii, maalin aanu ka wanaagsanahey ma jirto, waxaase jirtey wakhti adag oo ay Ardul-Soomal soo martey wakhtigii halganka lagu jirey mar uu Siyaad Barre la heshiiyey madaxweynaha Ethiopia Mr Mingiste, waxay ahayd marxalad cakiran markaas buu Siyaad Barre damcey inuu qanciyo SNM, isagoo wata dawladdo ka shaadhadh waaweyn si loo qanciyo SNM, safxad cusubna loo furo dadkii Reer-Waqooyiga ahaa, oo dulmigii laga dulqaado islamarkaana loo ogolaado wixii ay tabanayeen, weyse u suurta-geliweydey,waana laga- gilgishey lagana diidey iyadoo weliba wakhtigaas itaal yari meesha taalo, waxaase si geesinimoah laga doorbidey in Jihaad l lagu qaado rajiimkii Siyaad Barre oo jabkii ku dhaceyna ka wada warhaysaan. markaa maanta, oo Illaahaye(SW) Dalkan iyo Dadkaba dhulkooda usoo celiyey mar-labaad iyo xornimadii 1960kii ee hawl-yarida noogu timid, markii dambena hawl -yari idinku dhiibney anagoo hayaan usoo galney shanti Soomaliya(Great Somalia) anagooJabad(Ku-ah Xamar) , markii dambena lasoo noqoney dowladnimadayadii Somaliland haka filanina dowlad-wadaag dambe, ee naftiina iyo maankiinaba u sheega in wax ummadan qancinaysaa aysan Xamar oolin, waxayna ku

qanacsanyihiin wixii ay usoo mareen oo ah iney la soo noqdeen xuduudkii Somaliland. Waxaan u maleynayaa Mr Farmaajo iyo qaar kaloo badani in wakhtigaas halganka SNM socotey inaad kamanka halka dhexuu uga tumeyseen dowladii Siyaddi Barre.

reer Ardd -Soomaal maanta wey garwaqsan yihiin xornimadoodu qiimaha uu leeyahey, li’anna si sahlan kumeysan iman idinkuna waad ka warqabtaan markaa maskaxdiina ka saara riyadan ah “Innaa wajadnaa min -aaba’inaa”, foodkii distoorka laga qaadey Somaliland ee aad ka-beensheegteena 1960 maantey rumowdey.

Waxaan u-maleynayaa inaysan Somaliland, ha ahaato dowladda, axsaabta iyo shacabkuba aysan ka qarsooneyn dagaalka lai’nagula jiro ee qalinka iyo diplomaasiyada xambaarsan ee xamar ka socda. Horaa loo yidhi (Tol baa wax-na kala qaba wax-na isu qaba), Waxaan idiin sheegaya Somaliland waxaad tihiin ummad wada- tol ah, wada-dhashey, kala-guursatey, isku-degaan ah oo meelna aan kala-tegeynin, maanta wey idiin muuqata in Somaaliyadii hore baaba’dey ,wax taagan oo mideysan inagaa jirna , inagaana ka kow ahayn fikradii mideynta Ummada Soomaliyeed, laakiin weydin-kaa daalacana oo

idinkama qarsoona tirade circa isku shareertey ee dowlad goboleedyada ka dhex gariirtey Somaaliyadii –Koonfureed iyo dawladda Xamar ka cir-ciiraysa ee wasiiradu xadka-dhaafey.

Markaa tol-nimadeena aynu xejjino, haddii aynu nahay Ardd-Soomaal oo waxaynu kala qabno haka- weynaato waxaynu isu- qabno, intaas waxaan dhegta ugu ridayaa Madaxda axsaabta iyo xisbul-xaakimkaba inaad ummadan Soomaliland Mideynteeda ka shaqeysaan oo aydaan siyaasad ku kala fur-furin iyo dano gaara ah oo niman badani ku ficiltamayaan. Khilaafka siyaasadda ee la kala-qabo ,waxaa ka weyn waxaynu isu- qabno ee haddaba taageerayaashiina ka ilaaliya inay afkiina ka maqlaan wixii kala kaxeynaya shacabka iyo  qaranimadeena. Waad ogeydeen shaley markii dadku ay jibboodeen ee soomali-weyn doonayeen! Xaggee bey ku yaqaaneen ooy ku barteen soomaalida la

sheegayo? Wax alliyaale waxla yidhaahdo Soomali-weyn maysan aqoon, hammigana kumeysan haynin, laakiin waxay ka barteen axsaabtii siyaaada ee  berrigaas jirtey oo dadkii ku afuuftey Soomali baa inaga maqan si ay dan-gaar ah iyo foodka u helaan, markii dambena rag bey- la fogaatey Soomali-weyntii oo     meel ayjasoo noqdaan bey garanwaayeen, ragna wey isyara-badh- qabteen oo  hindisa cusub bey la yimaadeen ay leeyihiin aynu ka joogno Soomaliweyn  wakhtigeedi maaha, se maxaa ka qabsadey, juuq iyo jalaq-ba waa la siin waayey oo kuwii kale iyo shacbigii baa batey oo isla-wada tubey barlamaankii  budhadh iyo dhagxaan uguna baaqey shanti Soomaliya aynu baadi-goobno.

War iyo dhamaantii , waar tii 1960 oo kale- yeysan inagu dhicin mar-labaad ee ficiltankii daciifka ahayd ku geyno xorriyadeeni muqdisho iyo in la- isku khuukhiyo Siyaasi hebel Xamar buu la haystaa iyo haddii sida aanu doonayno  wax laga bedelin Xamar baanu iska xaadirin doona ama gobol-baan la bixi-

doona. Hadal yar oo cadho iyo fudeyd kaaga soo baxda ogow in fidno ku noqon karo Jamhuuriyatu Ardd-Soomaal, xisaabteeda aakhirona qofkaas ayuunba  dhabarka ku qaadan doona iyo ciqaabteeda kulul. Markaa maahmaahdan maanka ku hayso intaanad wax -falin (Fakir qabla aan tamudda yaddak ilaa finjaan- qah-wah) ,Waxa inaga dhaxeeya iyo waxaynu isu qabno Illaahey ha-ina tuso ,quluubteena haku-iftiimiyo oo ummad isjecel oo isku itijaah siyaasadeed Illaahey ha inaga yeelo. Maxamuud Saalax Nuur-Fagadhe (Allah ha u naxariiste) ayaa berri waxaa wareysatey jariidada Al-sharq Awsad wakhtigii u ahaa Wasiirul-khaarajiga, waxay ku yidhaahdeen nimakiinan siyaasiyiinta ee Iqliimul-Ardd- Soomaal , sidee bey u suur-tagashey in siyaasiyiintiinu heshisaan markey xurguf siyaasadeed idin dhex-marto? Li’ana waxaanu yaqiinsaney faraqa iyo sidaad u kala duwan tihiin siyaasiinta Koonfurta Soomaliya ee adankoodi dejin kari-waayey? Wuxuu Fagadhe ugu jawaabey:

Siyaasiyiinta wadankan Ardd-Soomaal, maaha qaar isku-cusub oo imika is-baranaysaa waa dad weligoodba asxaab ahayd ilaa yaraantoodi, isku degaan ahaa, isla soo kifaaxey ilaa wakhtiyadii waxbarashada ee Camuud iyo Sheikh, oo odayasha wadankani xiita nagu naaneysi jireen waa ardaydii ama groupkii (Almadar) ahayd, markaa wax badan baa naga dhaxeeyey taariikh ahaan sidaas darteed, haddii xurguf-siyaasadeed dhacdo, isla-intayadaas ayuun-ba geed-hoostii wada  fadhiista xalna u hela arrimahayaga, anagoo tixgelinayna garashadii naga dhaxeysey ee ayaamu-zamaan iyo danta umadayada! Kuwase, Muqdisho  waxaysan ku heshiin Karin, waa niman siyaasada ku cusub oo imika is- baranaysa, isku-cusub markaa wey-ku adkaaneysaa inay isu-tanaasulaan.

W/Q  Mohamed Adaweh

adaweh50@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE