Deg Deg Weerar Culus Oo Caawa Lagu Qaadey Duleedka Deegaanka Shalambood Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka caawa aan ka heleyno qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in uu jiro weerar hubeysan oo lagu qaadey fariisin ku yaalla deegaanka Shalambood.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah beer ku taalla duleedka deegaanka Shalambood oo ay ku dhuumaaleystaan Mooryaanta haraadiga ka ah kuwii duullaanka ku yimid Gobolka ayaa waxa weerar ku qaadey Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Marka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka uu ku bilowdey hubka culus gaar ahaan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo Sawanno,  waxaana la aaminsanyahay in weerarkan lagu ekeeyey meel fariisin dhuumaaleysi u ah Mooryaanta gacan saarka la leh Alshabaab.

Dadka halkaasi ku dhaqan ayaa kusoo waramaya in ay maqlayeen rasaas culus ayna arkayeen qiiq xoogan oo hawada u baxay, waxaana qiiqaas ay ku sheegeen in ay u maleenayaan in uu jiro keyd hub oo rasaastu gubtey, walow dadka aan xogtan ka helnay aanay sheegi karin waxa xaaladda ku sugantahay.

Warar madax banaan oo aan ka heleyno ilo wareedyo kala duwan ayaa ku waramaya in Ciidamada Weerarka ku qaadey Beerta ay qabsadeen fariisinkii ay weerareen halkaasna ay ku arkeen Meydad badan oo ay ka carareen Mooryaanta naf lacaariga ah.

Ciidamada deegaanka ee Maamulka Marka ayaa xilliyada qaar waxay qaadaan weeraro ay ku ugaarsanayaan Mooryaanta haraadiga ka ah kuwii kasoo duuley Gobolada dhexe, kuwaas oo ay u cadaadey in deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ay ku qabsan karin qori.

Waxaan soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kusoo kordha weerarka caawa lagu qaadey duleedka Shalambood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE