Dhac Iyo Boob Xoogan Oo Maanta Ka Jira Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in saake halkaasi uu ka jiro dhac iyo Boob ay wadaan Maleeshiyada haraadiga ku ah dhismayaal kooban oo Marka ku yaalla.

Dhaca iyo Boobka ayaa saake lagu waramayaa in uu ka socdo laba xaafadood oo lagu kala magacaabo Saraha iyo Beyturaas oo ay ku jarmaadeen Mooryaan kooban oo ku go’doonsan magaalada Marka kuwaas oo aan haaysanin wadooyin ay magaalada kaga baxaan.

Dadka Marka ku dhaqan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladooda ay aad u culustahay Saake, waxaana ay sheegeen in ay garaneynin meel ay u dacwoodaan iyo cid ka qabata Mooryaanta caadeysatey boobka hantida Shacabka iyo dhiiga Masaakiinta.

Warar ay heleyso Markacdey.com ayaa ku waramaya in Mooryaantan ay qaateen hanti  badan oo tiiley guryihiin ay saake dhaceen, waxaabaha ay qaateen ayaa naloo sheegay in ay ku jiraan lacago u badan shilin Soomaali, dhahabka ay xirtaan dumarka, agab kaloo u badan kuwo guryaha lagu qurxiyo.

Magaalada Marka oo ku dhawaad hal sano aanu ka jirin wax Maamul ah ayaa Shacabka ku dhaqan waxa ay la kulmayaan dhibaatooyin aan kala joogsi lahayen, waxaana magaalada qeybo ka mid ah ku go’doonsan Maleeshiyaad kasoo duulay Gobolada dhexe kuwaas oo xilligii dowlada Xasan Sheekh xoog ku galay Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE