Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Oo Lagu Wado In Loo Magacaabo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, Maxaase Ka Taqaanaa Fahad (Warbixin)

Waxa lagu wadaa in isbedello lagu sameeyo awoodaha Amni ee dalka ka jira, waxaana muuqanaya in xilalka ay waayi doonaan shakhsiyaad hada xilal ka haaya hey’adaha Aminga ee dalka.

Marka ay sal dhigato dowladan hada uu hogaankeeda haayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa la saadaalinayaa in isbedelka ugu horeeyo lagu sameenayo Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugidda Qaranka, iyadoo xilalkaas ay suurtagal tahay in ay kusoo baxaan shakhsiyaad hada magacyadooda si aad ah loo hadal haayo.

Fahad Yaasiin Xaaji Aadan oo dad badan ay ku xasuustaan Ololihii uu soo galay labadii doorasho ee dalka ka dhacay ee xilalka Madaxtinimada ay ku kala guuleysteen Xasan Sheekh Sanadii 2012-kii iyo Doorashadii dhawaan dhacdey ee xilka uu ku guuleystey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ninkan oo markii ay baranayeen dadka Soomaalida ah ay ku arkeen isagoo ku dhex jira saxaafadda gudaha iyo tan dibada ayaa sida ay sheegayaan ilo xog ogaal, waxa laga yaabaa in loo magacaabo Taliyaha Nabad sugidda qaranka islamarkaana xilka uu kala wareegi doono Gen Gaafow.

Wararka ku saabsan magacaabidda Fahad Yaasiin ayaa saacadihii lasoo dhaafey si aad ah isu soo taraayey, waxaana jira xogo kala duwan oo arintan warbaahinta qaar  u soo dusiyey.

Hadaba Maxaa laga yaqaanaa Fahad Yaasiin Xaaji Aadan Ninka lagu wado In Uu Noqdo Taliyaha Cusub Ee Nabad Sugidda Qaranka

Fahadsan Yaasiin Xaaji Aadan ayaa waxa la aaminsanyahay in uu ku dhashay Gobolka Gedo gaar ahaa Degmada Beled-Xaawo Sanadii 1975-tii waana shakhsi la sheego inuu furfuranyahay oo bulshaawi ah.

Sida laga soo xigtey dadka yaqaana Shakhsiyadda  Fahad waxay sheegayaan in uu kasoo qeyb qaatey dagaalo ka dhacay Gobolka Gedo Sanadihii dalka ay ka dagaalami jireen Kooxdii Al-Itixaad oo Gobolka Gedo dagaal kula gashay Ciidamo Itoobiyaan ah.

Fahad Yaasiin ayaa sanadihii dambe ka mid ahaa kooxda Ictisaam, isagoo lagu xanto in uu ahaa skahsigii keeney Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda talada dalka haatan gacanta ku haaysa, waxaana sidoo kale la sheegayaa in ay jiraan xubno Wasiira ah oo isaga rabitaankiisa lagu keenay.

Dhaqaale badan oo uu kasoo qaadey dowlada Khadar ayaa sabab u ah sida la leeyahay doorashadii uu ku guuleystey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Faraajo, waxaana xilligaas isku dhac siyaasadeed oo xaga fikirka ah ay ku kala duwanaayeen Xasan Sheekh.

Waxa jira ilo qaar oo aaminsan in Fahad Yaasiin uu la shaqeeyo Sirdoonada mid ka mid ah Dowladaha Carabta, waana midda ku dhalisey in uu hami ka galo jagada Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka.

Aqoon ahaan lama oga khibradda uu u leeyahay Maamulidda hey’adaha ugu sareysa dalka ee xagga Amniga, waxaana jira khubaro ka digaya in jagadaas aan lagu aaminino shakhsi aan lagu kalsooneyn aqoontiisa iyo waaya ragnimadiisa ee xag Ciidan.

Dadka ka digaya arimhaas ayaa aaminsan in sanadihii lasoo dhaafey jagada Taliyaha Nabadsugidda qaranka oo gacanta loo gelinayey shakhsiyaad aan aqoon laheyn ay keentey in habacsanaan dhanka amaanka ah uu galo dalka, taas oo loo sababeeyey shakhsiyaadka aan khibrada laheyn ee talada gacanta loo geliyey.

Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda Beesha Reer Aw-Xasan ayaa waxa  Abtiyaal u ah Beesha Lelkase, waxaana u dhaxdey Gabar Ilma adeer dhow ay yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran