Kooxo Hubeysan Oo Weerar Khasaare Dhaliyey Ku Qaadey Gaari Ay Saarnaayeen Shaqaale Ka Tirsan Waaxda Canshuuraha Ee Wasaaradda Maaliayadda

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goordhow weerar hubeysan lagu qaadey gaari ay saarnaayeen shaqaalaha ka tirsan waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sida ay sheegayaan dadka goob joogayaal ah kooxo hubeysan ayaa isgoyska Folorensa ee degmada Wardhiigley ku weeraray Gaari ay saarneen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan qeybta cnashuuraha.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in weerarka uu dhaliyey khasaare isgu jira dhimasho dhaawac ka dib markii kooxo saarnaa gaari yar ay rasaas aan kala go’laheyn ay ku fureen gaarigan ay la socdeen Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Inta la xaqiijiyey hal Darawalkii Gaariga ayaa weerarka ku geeriyoodey halka ay ku dhaawcmeen laba kale oo ka tirsanaa shaqaalihii Gaariga saarnaa, waxaana markii uu weerarka dhacay ka dib goobta isaga baxsadey dableydii hubeysneyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaarey ayaa sameeyey howlgal aan sidaa u buurneyn oo ay ku baadi goobayeen kooxihii weerarka geystey, mana jirin dad ay usoo qabteen weerarka dhacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran