Madaxweyne Farmaajo Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabilay Ra’iisalwasaare Ku Xigeenka Dalka Turkiga (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Mudane Veysi Keynak R/wasaaraha Wadanka Turkiga ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga kaga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Balaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE