Ra’iisalwasaare Ku Xigeenka Dalka Turkiga Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyey magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxa Garoonka Aadan Cadde kusoo  dhaweeyey Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka, Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana loosoo galbiey xarunta Madaxtooyada ee Ville Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ka socda dalka Turkiga ayaa la sheegayaa in ay u kuur galayaan xaaladda ka jirta dalka oo ay ugu darantahay abaarta ku dhufatey dadka iyo duunyada, waxaana lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Madaxda dowlada Fedaraalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran