Warar Sheegaya In Wariyey Hanad Cali Guuleed La Helay Isagoo Xiran

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye eee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in la helay Wariyihii maalinnimadii shalay laga Afduubtey deegaanka Taree disho ee duleedka Muqdisho.

Sida lagu baahiyey Warbaahinta uu ka tirsanaa Wariyaha , Hanad ayaa isagoo jeebeysan laga helay meel u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana la sheegayaa in ay ka muuqdaan jirdil ay kula kaceen kooxihii Afduubtey.

War aan la hubin sax ahaanshihiisa oo kasoo baxay Maamulka Degmada Afgoodye ayey ku sheegteen in ay soo badbaadiyeen Wariyaha oo sida hadalka ay u dhigeen u afduubtaa kooxda Alshabaab.

Maalintii shalay ayaa waxa laga war helay Afduubkan Hand Cali Guuleed oo ka tirsanaa Idaacadda Goob-joog, waxaana kooxo hubeysan ay ka qasadeen duleedka Magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa hadda cid sheegatey mas’uulyadda Afduubka iyo sababta ka dambeysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran