Wararkii Ugu Dambeeyey Deegaanka Goof-gaduud Oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Ay Ka Wadaan Kooxda Alshabaab

Deegaanka Goof-gaduud oo ka mid ah deegaanada kaabiga ku haaya magaalada Baydhabo ayaa waxa la wareegay dagaalyahaano ka tirsan Alshabaab ka dib markii halkaasi ay baneeyeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in Alshahabaab deegaanka ay soo geliyeen Ciidamo badan oo y ka keeneen dhinaca howdka, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in ay jirto cabsi xoogan oo soo wajahdey dadka halkaasi ku dhaqan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwo maamulka Koonfur galbeed ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay fariisimayaal ay ku lahaayeen deegaanka, waxaana ay u riqaansadeen magaalada Baydhaba oo qiyaas ahaan deegaankana u jirta soddon Km.

Alshabaab ayaa sida ay tilmaamayaan dadka deegaanka halkaasi ka sameystey fariisimayaal si ay kaga hortagaan weeraro ay soo qaadaan Ciidamada Baydhaba ku sugan, iyadoo iminkadan ay si buuxda u maamulayaan saldhigyada deegaanka iyo xarumihii Maamulka.

Marar badan ayaa waxa dhacdey in gacan ku heynta deegaanka Goof-gaduud ay isku bedelaan Alshabaab iyo Ciidamada dowlada, Saraakiil ka tirsan Koonfur galbeed ayaa wada dadaalo ah in dib loogu laabto deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE