Wiil Uu Dhalay Wariye Cabdi Maalik Muuse Col-doon Oo Fariin U Direy Madaxweyna Somaliland (Video)

Wiil Sideed sana jira ah oo uu dhalay Wariye Cabdimaalik Muuse Sheekh Coldoon oo ku dhaqan magaalada Burco ayaa dhambaal murago xambaarsan u direy madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Maxamed Amiin Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsadey in xabsiga laga sii daayo Aabhiisa Cabdimaalik Coldoon oo 15-kii bishii Febraayo lagu xirey magaalada Hargeysa.

Maxamed Amiin yaa saxaafada kula hadlay Magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana uu codsadey in si xushmad leh loo sii daayo Aabihii oo in muda ah xabsiga ku jira.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran