Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta La Horgeynayo Miisaaniyadda Sanada 2017-ka

Baarlaamnka jamhuuriyadda feadaraalka Soomaalia ayaa maanta kulan waxay ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay jiraan xayiraado la saarey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada si amaanka loo sugo.

Kulanka maanta ayaa waxa lagu wadaa in Baarlamaanka Soomaaliya loogu qeybin doonaa Miisaaniyadda Dowlada ee sanadkan 2017, si ay usoo aqristaan waxaana bilihii lasoo dhaafey xayirnaa dhamaan dhaqaalihii dowlada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo la wareegay xilka Wasaaradda ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka uu horgeeyo Miisaaniyada sanadka 2017 islamarkaana uu faafaahiyo waxa ay ku shaqeyn doonto dowlada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u celiyey miisaaniyad kumeel gaar ah oo ay soo gudbisey xukuumadda tan ka horeysa, waxaana miisaaniyadaasi soo ansixiyey Xukuumaddii waqtigeedu dhamaadey ee xilka lagala waeegay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE