Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Ceel-Buur Oo Xaqiijiyey In Ciidanka Ethiopia Ay Isaga Bexeen Degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Ceel-Buur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidanka Ethiopia ay Maanta isaga bexeen Degmadaasi.

Nuur Xasan Guutaale Gudoomiyaha Degmada Ceel-Buur ayaa sheegay in Ciidanka Ethiopia ay Maalmahanba wadeen dhaq-dhaqaaq u muuqday iney baxayaan,wuxuuna sheegay inuu dib ka bixin doono faah faahin kusaabsan sababaha ay Ciidamada Ethiopia uga bexeen Degmada Ceel-Buur.

Al-shabaab ayaa si buuxda ula wareegay Maamulka Degmada Ceel-Buur oo sanadihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran