Dowlada Ethopia Oo Laga Yaabo In Aagag Cusub Oo Dagaal Ay Ku Furto Dowlada Madaxweyne Farmaajo (Warbixin)

Dowlada Ethopia oo dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo badan ayaa waxa laga yaabaa in ay dib uga gurtaan dhul badan oo ay kaga suganyihiin dalka.

Ciidamada Ethopia ee dalka jooga ayaa isugu jira laba qeybood oo kala ah qeyb ka tirsan waxa loogu yeero howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo qeyb kale oo aan haaysan wax qorsha ah, kuwaas oo qeyb ka ah la dagaalanka Alshabaab.

Sida ay tilmaamayaan warbixino xasaasi ah xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya Ethopia iyo dowlada Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sababi kara in aagag dagaal oo hor leh in ay kusoo furmaan dowladan curdanka ah ee weli aan sal dhigan.

Ciidamada Ethopia ee ku sugan Soomaaliya ayaa afartii sano ee lasoo dhaafey waxay ka dagaalamayeen dhulal kala duwan oo ku kala yaala Bakool, Baay, Hiiraan, Gedo iyo dhul kooban oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Sida ku cad dhulka faraha badan ee dagaalkooda uu ku wajahnaa Ciidamada ka amar qaata xukuumadda Adisababa ayaa ka dhigan dhulka ugu badan ee Soomaali ku yaala oo ay kula dagaalameen Alshabaab marka loo barbardhigo dhulka ay joogaan Ciidamada ka kala socda dowladaha Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

Sida la aaminsanyahay dowlada Heila maryam, waxay Soomaaliya kala bixi doontaa Ciidamada aan ka midka aheyn AMISOM, waxaan calaamd su’aal dul hogantahay sababta xilligan keentey in Ciidamadaas dalka laga saaro.

Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud oo uu kasoo jeedo Ra’iisalwasaaha dalka ayaa xilligan noqotey furinta koowaad ee kusoo furantay dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana dowlada Ethopia lagu eedeeyaa in ay siyaasadeyso howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

Ayaan darada haaysata dowlada Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafey ayaa waxa ugu horeeya in aanay jirin Ciidan Soomaali oo awood badan oo la wareega gacan ku hyenta deegaanada ay baneeyaan ciidamada Soomaaliya saaxiibada la ah, waana tan keentey in dib u dhacyo milateri ay la kulanto dowladdda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran