Dowlada Fedaraalka Oo Maanta Lagu Wareejiyey Gaadiid Casri Ah Oo Ku Shaqeeya Dhiiga Bina’aadamka (Sawiro)

Hay’adda IOM ayaa maanta magaalada Kismaayo Gaadiid casri ah oo ku shaqeeya dhiiga Bina’aadamka ugu wareejiyey dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu ilaalin doono xuduudaha dalka.

Agaasimaha Socdaalka iy jinsiyadaha dowlada Fedaraalka Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa la wareegay Gaadiidka ilaalada xuduudaha Soomaaliya, waxaana xaflad ay ka dhacdey Kismaayo goob joog ahaa Mas’uuliyiin Maamulka Jubbland ka tirsan.

Gawaridaan ayaa ah kuwo  Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridaan sheegayaan in la ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay si sharci darro ah u gudbaan, waxaana ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada  ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin, islamarkaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo goobta ay ka gudbayaan dadkaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE