Dowlada Uganda Oo Ciidamo Horleh Usoo Direysa Dalka Soomaaliya (Sawiro)

Dowlada dalka Uganda ayaa dhawaan waxay tawabar usoo xirtey Ciidamo tira ahaan gaaraya ilaa 1845 Askari, kuwaas oo la qorsheenayo inay qeyb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan ayaa isugu jira kuwo dhawaan Tawabar la siiyey oo ku cusub howsha Ciidannimo iyo kuwoo horey uga mid ahaa Milateriga Difaaca shacabka Uganda oo magacood loosoo gaabiyo UPDF, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya.

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Uganda Ciidanka cusub ayaa la geyn doonaa magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye halkaas oo fariisin cusub ay ka sameysan doonaaan, waxaana ay xoojiyaan sida warbixinada lagu yiri ciidamada AMISOM ee ku sugan caasimada Soomaaliya.

Gen.David Muhoozi oo khudbad usoo jeediyey ciidamadan ayaa ka codsaday in ay dhawraan Xaquuqul Insaanka iyo sumcada dalka Ugandha inta ay gudanayaan hawlgalkooda Soomaaliya, ayna si weyn uga feejignaadaan weerarada kooxda Al-shabaab.

Lama oga Ciidamadan in ay bedeli doonaan kuwii hore u joogay Soomaaliya iyo inay sii xoojin doonaan oo dheeraad u noqon doonaan Ciidamada Uganda oo ay kordhin doonaan tiradii hore u joogtey Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran