Kooxo Burcadbadeed Soomaali Ah Oo Afduubtey Markab U Socdey Dalka Yaman

Kooxo burcadbadeed Soomaali aha ayaa lagu soo waramayaa in ay afduubteen Markab laga leeyahay dalka Hindiya kaas oo u socdey mid ka mid ah dalalka Carabta gaar ahaan Dalka Yaman.

Warbaahinta gudaha ee dalka Hindiya ayaa shalay gelinkii dambe daabacdey wararka la xiriira afduubka Markabkan laga leeyaha dalkaasi, waxaana ay sheegayaan in uu u gacan galay koox burcad badeed Soomaali ah oo ku sugnaa gacanka Carabta.

Wargeyska India today ayaa boggiisa hore ku daabacey in markabkaas la qabsadey xilli uu kasoo tagey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta islamarkaana uu kusii jeedey dalka Yaman oo uu u sidey badeecad iyo alaabo kale oo Ganacsi ah.

Afduubkan ayaa la aaminsanyahay in uu dhacay laba maalin ka hor 1-dii bishan, Kabtan Markabka ayaa degeda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ku wargeliyey in ay afduubteen kooxo Burcadbadeed ah islamarkaana ay jahada oo dhan ka qasantahay.

Ma jirin wixii xilligaasi ka dambeeyey wax macluumaad ah oo laga helay Markabka iyo halka ay kula dhaqaaqeen kooxaha la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Buracadeed Soomaali oo ku caanbaxdey in ay afduubtaan Maraakiibta.

Waxa la aaminsanyahay in sanadkan gudihiisa ay dib usoo cusboonaadeen afduubka Maraakiibta. waxaana biyaha Soomaaliya ku sugan Maraakiib badan oo dagaal oo ka kala socda dowlado badan oo caalamka ah kuwaas oo la dagaalamaya sidey sheegaan kooxaha burcadbadeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran