Qarax Galaaftey Nolosha Dad Badan Oo Ka Dhacay Magaalo Ku Taalla Dalka Ruushka (Sawiro)

Ku dhawaad 12 ruux ayaa ku geeriyootay, in ka badan 5o kalena waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay xarun laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara oo ku taal magaalada St Peterburg ee dalka Ruushka.

Qaraxyadan ayaa saameeyay Tareen markaasi u diyaarsanaa in ay dad weynaha raacaan, waxaana uu goobta ka dhigay qiic iyo uuro, iyadoo dadka ku dhaawacmay goobta loo sameeyey gurmad si xaaladooda loo dabiibo.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa cambaareeyey qaraxan waxaana uu sheegay in la baari doono oo ay hubin doonaan hadii uu qeyb ka yahay falal argagixiso ee ka dhaca wadadmada qaar iyo in kale.

Qaraxan galaaftey nolosha dadka bada ee ka dhacay magaalada St Petersburg ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta Madaxweynaha Ruushka Putin uu tagay magaaladaas oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha warbaahinta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE