Seddax Sano Ka Dib Magaalada Ceel-Buur Oo Gacanta U Gashay Alshabaab (Sawiro)

Magaalada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa maanta waxa isaga baxay Ciidamada dowlada Ethopia oo in mudda ah halkaasi maamulaayey.

Aroornimadii saake ayaa waxa laga war helay dhaq dhaqaaq ay wadeen Ciidamada dalka Ethopia ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo diyaar garoobayey ka bixitaanka saldhigyada ay kaga sugnaayeen magaalada.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah markii Ciidamada Ethopia halkaasi ay ka baxaayeen ayaa waxay hawada ka saareen isgaarsiintii deegaanka, waxaana ay u jiheysteen dhinca magaalada Dhuusamareen ee Gobolka Galguduud.

Sanadii 2014-kii ayaa magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud lagala wareegay Alshabaab, waxaana markaas guluf deegaanka ku qabsadey Ciidamo Ethopi-yaan ah, mana jirin wixii intaasi ka dambeeyey maamul iyo xasilooni halkaasi ka dhaqan galay.

Dowladda Itoobiya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya qarkood ku socdaan magaca AMISOM halka qar kalena aysan haysan wax Mandate ah ayaa la sheegayaa xiriirka ay la leedahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo aanu ahayn mid fiican.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE