Wararkii Ugu Dambeeyey Weerar Culus Oo Xalay Lagu Qaadey Beer Uu Xoog Ku Haaysto Laba Kaarle Bashiir Cilmi Gambiye

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in xalay weerar culus lagu qaadey Beer ku taalla inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buufow Bacaad oo ay ku dhuumaaleystaan Mooryaanta dhul boobka.

Dabley hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheysan ku qaadey Beer lagu magacaabo Dallaayo Xaaji Xaanshi, oo aheyd Xaaskii Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimaso iyo dhaawac.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee Beerta weerarka ku qaadey ay bartilmaameedsadeen fariisin xilliyada habeenkii ay ku dhuumaaleystaan kooxo tuuga ah oo Beerta ku sugan, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogan.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Fariisinka la weeraray ay la wareegeen kooxihii hubeysnaa, ayna kala raac cadeeyeen Mooryaanta, dhul boobka ku yimid Gobolka Shabeelada hoose islamarkaana xoog ku haaysta dhul beereed ay leeyihiin dad shacab ah.

Beerta la weeraray ayaa sanadihii sagaashameeyadii laga qabsadey Dallaayo Xaaji Xaanshi, waxaana sanadihii dambe dhaqaalaha Beertaas xoog ku maamulanaayey Laba kaarle lagu magacaabo Bashiir Cilmi Gaambiye oo markii uu ku jabey dagaaladii Beesha Biimaal isku dhiibey Alshabaab.

Laba kaarle Bashiir Cilmi Gambiye ayaa waxa uu ka mid yahay seddax walaalo ah oo ay isla dhasheen Kaaba Mooryaan Cabdul Cilmi, waxaana ay xoog ku haaystaan beero badan oo ku yaala inta u dhaxeysa Buufow bacaad ilaa deegaanka Golweyn, waana sababta ku kaliftey in ay galaan dagaal wajiyo badan oo ay la galaan Ciidamada deegaanka si ay u difaacdaan Beeraha ay xoogga ku qabsadee.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran