Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedaraalka Ee Soomaaliya Oo Maanta Xilka Kala Wareegay Wasiirkii Hore (Sawiro)

Wasiirka Xanaanda Xoolaha ee Xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya Dr Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa maanta waxa uu la wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda, ka dib todobaad loo asteeyey in xukuumadda cusub ay xilka kala wareegto Xukuumaddii hore.

Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa looga fadhiyaa in uu ka mid noqdo wasaaradaha tayada leh ee xukuumadda Soomaaliya ee soo xushay Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Mr Sheekh Nuur oo ku cusub siyaasdaa dalka ayaa Xubinta Xildhibaannimo ee Baarlamaanka fedaraalka kasoo galay magaalada Jamaame Ee Gobolka Jubada hoose, waxaana uu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu doortey magaalada Kismaayo.

Lagama hordhici karo nooca ay noqon doont shaqadiisa hase ahaatee da’da uu ka jiro iyo aqoontiisa oo is biirsada ayaa waxa la aaminsanyahay in uu kasoo dhalaali karo booska lagu magacaay, iyadoo ay jireen fashillo badan oo ay la kulmeen shakhsiyaas aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay aad u liidatey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE