Wariye Saalax Kalgacal Oo Maanta Isagoo Howlihiisa Saxaafadeed Gudanaayo Lagu Xiray Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta isagoo howlahiisa shaqo gudanaayo magaalada Muqdisho ciidamo hubeysan ay ka xirteen wariye Saalax Kalgacal oo u shaqeynaayey hay’ado warbaahineed oo kala duwan.

Ilaa hadda ma la garanaayo waxa ay dalbanayaan kooxda ka dambeyso xarigga wariyaha, sidoo kale ma la oga inay yihiin qolo xiriir la leh hay’ada amniga dowladda federalka.

Waxaan dib idinkaga soo gudbin doonaa xog dheeraad ah iyo warbixino la xiriiro sababta loo xiray wariye Saalax Kalgacal haddii Alle idmo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE