Dhimasho Iyo Dhawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Agagaarka Wasaaradda Amaanka

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay tiro aan wali la xadidina dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha maqaayad ka soo horjeeda wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga.

Dadka dhaawaca ka soo gaaray qaraxa ayaa waxaa ku jira arday dhiganeysay dugsiga Yaasiin Cusmaan oo goobta qaraxa ka dhacay ku dhow, sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ayaan wax badan ka fogeyn wasaaradda amaanka.

Qaraxa ayaa lagu soo waranayaa in uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku dhex qarxay maqaayada.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay xilalkooda la wareegeen wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE