Maxkamadda Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Tv-Ga Universal

Maxkamadda gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad ay ka soo gudbisay wasaaradda warfaafinta ee Puntland.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in Tv-ga Universal dib uga howl galo deegaanada Puntland laakiin maamulka Tv-ga ay bixiyaan 2000 oo Dollar oo ganaax ah.

Maxkamadda ayaa soo kale ku xukuntay maamulka Puntland in ay bixiyaan wixii khasaara ah ee soo gaaray Tv-ga muddadii uu xirnaa.

Tv-ga Universal oo ugu yaraan shan xafiis ku leh deegaanada maamulka Puntland ayaa xirnaa muddo bil ah, kadib markii ay sidaas go’aamiyeen maamulka Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE