Wariye Saalax Kalgacal Oo Shaley Dulmi Lagu Xiray Ayaa Maanta Xuriyadiisa Dib U Helay

Waxaa goordhow xuriyadiisa dib u helay wariye Saalax Kalgacal oo shaley isagoo howlahiisa shaqo gudanaayo ay ka horjoogsadeen shakhsiyaad magac dowlad huwan oo qalbiga qabiil kaga qafilan yahay.

Saalax Kalgacal ayaa mudo 24 sac ku xirnaa xarunta CID-da Muqdisho isagoo lagu soo eedeeyey eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn kuwaasoo ay soo dhoodhoobeen dagaal-oogeyaal dano qabiil xambaarsan oo boorka isku qarinaayo.

Waxaa mahad gaar ah iska leh mas’uuliyiintii u istaagay inay fashiliyaan dulmiga lagula kacay wariye Saalax Kalgacal.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran