Akhri: Hal Beel Oo Heshay Inta Ugu Badan Jagooyinka Maanta La Magacaabay

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaa maanta markii ugu horeysay  hal mar u magacaabay shakhsiyaad hal beel ka soo jeeda 6 jago.

Jagooyinka maanta la magacaabay oo wadartooda dhameyd 8 jago 6 ka mid ah waxaa loo magacaabay shakhsiyaad ka soo jeeda beesha Hawiye.

Jagooyinka maanta la magacaabay oo ka koobnaa heer xukuumadda federalka iyo heer gobol ayaa jufooyinka beesha Hawiye loogu qeybiyay sidan soo socota:

Abgaal
Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi
Maareeyaha garoonka Muqdisho Yuusuf Jeelle
Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington

Habargidir

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka

Murusade
Taliye ku xigeenka ciidamada Nabadsugidda Cabdifataax Shaaweeye

Xawaadle
Taliyaha ciidamada Nabadsugida Maxamed Cali Sambaloolshe

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE