Dagaal Qaraar Oo Ka Socda Gobolka Sh.Hoose

Dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka socdo deegano dhaca gobolka Sh.Hoose.

Dagaalka ayaa ka socda deegaanada Buufow, Kibili iyo Waagaadi, waxaana uu yimid kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen deegaanadaas.

General Daahir Maxamed Faarax(Kumandoos) oo hogaaminaya ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Alshabaab ayaa sheegay in Alshabaab ay kala wareegeen deegaano oo hoos yimaada degmada Jannaale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran