Deg Deg: Taliyayaasha Ciidamada Milateriga,Booliiska, Nabadsugida Iyo G.Gobolka Banaadir Oo La Magacaabay

Kulanka maanta ee golaha wasiirada ayaa la horkeenay soo jeedin ku saabsan magacaabista taliyaasha ciidamada dowladda iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Magacaabisan ayaa kala ah:Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo horay u soo noqday agaasime ku xigeenka madaxtooyada.

Taliyaha ciidamada nabadsugida waxaa loo magacaabay Cabdullahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Taliyaha ciidamada booliiska waxaa loo magacaabay Jneral Cabdi Xakiim Dahir Saacid

Taliya ciidamada xooga dalka waxaa loo magacaabay Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid.

Taliye ku xiggnaka ciidamada xooga waxaa loo magacaabay Jeneral Caanood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE