Sidey U Saameyn Kartaa Magacaabista Taliyaha Iyo Abaanduulaha Ciidamada Shacabka Sh.Hoose.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Jeneral Axmed Maxamed Cirfiid taliyaha ciidamada xooga dalka, isagoo sidoo kale abaanduulaha ciidamada u magacaabay Jeneral Cabdullahi Canood.

Labadan taliye ayaa siyaasadooda iyo sida ay u hogaamiyaan ciidamada dowladda waxa ay saameyn wanaagsan ama mid xun ku yeelan doontaa sida ay shacabka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka Sh.Hoose ay ula shaqeeyaan xukuumadda cusub iyo dagaalka lagula jiro kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab waayo xilliyadii xukuumadii madaxweyne Xasan Sheekh ciidamada dowladda waxa ay ahaayeen maleeshiyo beeleed duulaan cad ku soo qaaday shacabka Sh. Hoose, xasuuq badana ka geystay deegaano badan oo gobolka dhaca, hubkii, lacagtii iyo agabkii bulshada caalamka ugu deeqdana u adeegsadeen in ay ku dulmiyaan shacaba Sh.Hoose, waxayna ahayd siyaasad ay isku ogaayeen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo taliyaashii hore ee ciidamada dowladda iyo horjoogayasha maleeshiyada Habargidir.

Su’aasha la is weydiinayo xilligan ayaa ah: madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre bog cusub ma u firi doonaa xiriirka shacabka Sh.Hoose iyo dowlada dhexe, meeshana ma ka saari doonaan isbahaysiga shareed ee xasuuqa iyo duulaanka joogtada ah ku haya reer Sh.Hoose mise siyaasadihii Xasan Culusow ayey raaci doonaa.

Sida aan ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay labada shakhsi ee aan kor ku soo xusay ma aha kuwo magacooda uu u wanaagsan yahay shacabka Sh.Hoose sababo badan awgood laakiin intaa kaliya laguma xukmin karo, ee waxaa lagu xukmin karaa siyaasada guud ee xukuumadda iyo siyaasadaha madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan gobolka Sh.Hoose.

Madaxweynaha maanta waxa uu xirtay tuutihii ciidamada, waxa uuna ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab oo looga sifeynayo gobolada dalka, haddana in la gaaro hadafkaas waxa ay ku xirnaan doonta laba armood oo kala ah:
Waa marka koowaad, in ciidamada dowladda oo hadda ah maleeshiyo beeleed dib u habeyn lagu sameeyo, reer Sh.Hoose-na kaalintooda laga siiyo, gaar ahaan in si buuxda dowladda u qarameyso ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanada kala gedisan ee Sh.Hoose.

Waa marka labaade, in xukuumadda cusub ay xakameyso damaca waalan ee horjoogayaasha maleyshiyada Habargidir ee dhibaatda gobolka, maamul matala dadka gobolka loo sameeyo gobolkaas, heer degmo ilaa gobol, iyadoo loo soo marayo maamulka K.Galbeed.

Ugu dambeyn, hadba sida ay wax wanaagsan uga qabato xukuumadda cusub labadaas  qodob iyo siyaasada  ee ay la yimaadaan taliyaasha cusub iyo hab-dhaqankooda ayay ku xirnaan doontaa sida ay reer Sh.Hoose ula shaqeyaan xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran