Talo Ku Socota Wasiir Sheekh Nuur Maxamed

Mudane wasiir, marka ugu horeysa waxaan kuugu hambalyeynayaa jagada

cusub ee laguu magacaabay, waana ka cudur daranayaa in hambalyadayda ay soo dibdhacday laakiin waxaan haddana ku xasuusinayaa in jagada muhiimadeyda aysan ahayn immisa qof ayaa kuu soo hambalyeysay, jagadana aysan ahayn sharaf iyo qiimo-bulshadeed oo kugu soo korortay, balse ay tahay muhiimadda maxaad dalka iyo dadka u qabtay.

Mudane wasiir, waan wada ognahay in xaaladda uu dalka marayo darteed ay yar tahay waxa aad qaban karto, qof kaligiisana uusan waxba qaban karin ee waxqabadka uu ku yimaado iskaashi iyo wadashaqeyn dhex marta hogaamiyaha iyo bulshada, sidaas ay tahay waxaan qabaa in wax badan aad u qaban karto bulshadaada hadii aad la timaado karti, maskaxdaadana ka xoreyso shakhsiyaad aan wada ognahay oo afduub ku heysatay maskaxda madaxda ka soo jeeda gobolka Sh.Hoose ee ka tirsanaa xukuumadda Soomaliya.

Mudane wasiir, aduunyada waa meerto, mana jiro qof jago wiligiis ma haynayo,jagada aad maanta heyso qof baa kaaga horeeyay oo aad kala wareegtay adigana mid ayaa kala wareegi doona laakiin waxqabadka aad la timaado waxa uu noqon doonaa mid waara oo jiilba jil uu u ugubiyo, magacaagana lagu xasuusto.

Mudane wasiir, dhibaatooyinka heysta shacabka Sh.Hoose waa ay badan yihiin, wax ka qabashada kuwa ugu mihiisana waxa ay qaadaneysaa muddo badan laakiin hadii adiga iyo madaxda kale ay qeyb ka qaataan hadba intii suuragal ah wax baa laga qaban karaa, waxaana ugu mihiimsan laba qodob oo kala ah:
Dhibaatada ugu wayn ee lagu hayay shacabka Sh.Hoose ayaa ahayn in golayaasha dowladda ama hay’adaha dowladda dhexe ay qolyo gaar ah u adeegsanayeen goob ay kaga soo duulaan tagaan shacabka Sh.Hoose, haddana sidaas ay tahay madaxdii gobolka ka soo jeeday ee xukuumadda ku jiray aysan haba yaraatee ka difaacin shacabka ay matalan golayaasha dowladda, balse ay indhaha ka daawan jireen, iyadoo la wada og yahay in xukuumadda ay ku dhisan tahay beelo, mas’uul walbana uu deegaanadiisa difaaco.

Dhibaatada labaad ayaa ahayd in madaxda ka soo jeeda gobolka Sh.Hoose ay u afduubnaayeen shakhsiyaad gaar ah oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo aan marna u diirnaxeyn shacabka marna lagu xasuuqayo magac dowladeed, marna magac islaam, madaxda ka soo jeeda gobolka ee jagooyinka ka soo qabatay dowladda dhexe waxay maskaxdooda iyo caqligooda amaahiyeen shakhsiyaadkaas, sidaas darteed waxa ay gabeen howshii ay bulshada ka sugayeen.

Haddaba, mudane wasiir, kadib 8 Febraayo isbedel ayaa ka dhacay dalka, waxaana rajeyneynaa in ay yaraadaan colaada shacabka Sh.Hoose kaga imaaneysa dowladda dhexe,laakiin haddana waxaan laga maarmeyn marxaladdan lagu jiro in la helo madax reer Sh. Hoose ah,  xigmad iyo caqlina u saaxiib ah oo ka shaqeysa in ay dhamaato dhibaatadaas, adigana waxaad qeyb ka tahay madaxdaas.

Mudane wasiir, lagaama sugayo inaad mucjisooyin a timaado, ama inaad dhibaatooyinka jira dhameyso, balse waxaa lagaaga fadhiyaa marka ugu horeysa inaad maskaxdaada iyo caqligaaga ka xoreysa ragga aan soo xusay ee laga yaabo in ay aminsan yihiin in iyaga jagada kuu dhiibeen, kadibna aad ka shaqeyso sidii maamul shaqeeya uu maamulka K.Galbeed ugu sameyn lahaa degmooyinka gobolka Sh.Hoose, sida Marka iyo in aan magaca ciidamada dowladda iyo agabkooda aan bulshada lagu dhibaateyn.

Ugu dambeyn, mudane wasiir, muddada aad xilkan heyneyso waa afar sanadood ama laga yaabee inaadan dhameysan laakiin waxqabad yar oo wax ka bedela nolosha caruurta iyo haweenka wuxuu noqon doonaa sharaf waligeed kula socota.. Marka kala dooro inaad raacdo wadadii kuwa kaa horeeyay ama inaad la timaado waxqabad haba yaraadee..

Ciise Maxamuud

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE