Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Oo Maanta Laga Hor Istaagay Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wasiirada

Kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ayaa maanta loo diiday in uu ka qeybgalo mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirada.

Xubintan aan magaciisa la shaacin ayaa sababta loogu diiday ka qeybgalka shirka golaha wasiirada lagu sheegay in uu ka soo daahay waqtiga kulanka.

Mas’uulkan ayaa waxaa u diiday in uu galo Hoolka kulanka ilaalada xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ammar adag lagu siiyay in aysan u ogaalan in ay shirka soo xaadiraan cidii soo daahda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale intii uu socday kulanka xubin ka mid ah golaha wasiirada ay aad uga xanaaqday Ra’iisul wasaaraha oo ka dalbaday in ay hadalkeeda soo koobto.

Diidmada loo diiday xubintan ayaa qeyb ka ah fulinta shuruucda xeerhoosaadka kulamada golaha wasiirada, iyadoo ay muuqato in Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre is ku dayayo in uu nidaamka ku so dabaalo golahiisa wasiirada si ay uga soo dhalaalaan howsha laga sugayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE