Dad Ku Dhintay Madaafiic Lagu Garaacay Degmada…

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay dhowr goobood oo dhaca degmada wadajir ee gobolka Banaadir, Hoobiyayaasha oo tiradooda lagu sheegay ilaa afar ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhcay guri ku yaala isgoyska Danwadaag ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay seddex qof ayaa ku dhimatay madaafiicdaas, iyadoo sidoo kale ay ku dhaaacmeen laba qof.

Dhamaan dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa loo qaaday cisbitaalada magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ku soo dhacday degmada Wadajir ayaa imaanaysa iyadoo maalintii shalay ahayd uu masaxweyne Farmaasho xilalkii ka xayuubiyay taliyasha ciidamada, kuna dedelay saraakiil cusub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran