Idaacad Beeleedka Shabeelle Oo Sii Laba Jibaartay Dagaalka Ay Kula Jirto Shacabka Sh.Hoose

Idaacadda Shabelle oo caan ku ahayd sanadihii ugu dambeyay in ay tahay mid ka mid ah xarumaha laga hago dagaalka ay horjoogayaasha Maleeshiyada Habargidir ka wadaan gobolka Shabeelada Hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii laba jibaartay dagaalkaas.

Idaacadda Shabelle oo ay ka howlgalaan shakhsiyaad isku sheega wariyayaal laakiin ka tirsan maleeshiyada dagaalka dhul-boobka ka wada Sh.Hoose ayaa u dhaqmaya sida in aya yihiin wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka K.Galbeed ama tan dhexe, waxayna horay looga bartay in inta ay wareystaan Hoorjoogayaasha Maleeshiyada Habargidir ayna siiyaan magacyo maamul oo ay iyaga u go’aamiyeen.

Haddaba, dhacdadii ugu dambeysay ee muujineysa in Idaacadda Shabeele ay u dhaqmeyso in ay tahay wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka K.Galbeed ayaa ah in ay wareysteen Shakhsi ay ku sheegayaan in uu yahay gudoomiyaha deegaanka Shalambood laguna magacaabo Nuur Cismaan Raage(Jiido)

Nuur Jiido waa mid ka mid ah Horjoogayaasha dagaalka barakicinta ah ka wada Shabellada Hoose, waxa uuna hadda ku sugan yahay Muqdisho, kadib markii ay ciidamada deegaanka ku qasbeen in uu gobolka isaga cararo laakiin Idaacadda Shabeele oo ku caan baxday in ay borobogaando u sameeyaan horjoogayasha maleeshiyada Habargir ayaa wada dadaalo ay niyada ugu dhiseyso maleeshiyadaas naflacaariga ah.

Wareysiyada niyad-dhiska ah ee ay la yeelatay idaacadan Nuur Jiido waxay muujineysa in aysan ahayn warbaahin ee ay tahay garabka afka ka hubeysan ee maleeshiyada dagaalada barakicinta ah ka wada Sh.Hoose, waana arin lagala xisaabtami doono.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran