Maamulka K.Galbeed Oo Ansixiyay Sharci Saameyn Doono Gobolka Sh.Hoose

Golaha wasiirada maamulka K.Galbeed ayaa maanta anisxiyay sharciga lagu dhisi lahaa maamulka dowlaha hoose oo gobolada iyo degmooyinka hoos taga maamulkaas.

Sharcigan oo ay diyaarisay wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka K.Galbeed ayaa qeexaya qaabka lagu soo dhisayo maamulka dowladaha hoose ee deegaanada uu ka kooban yahay maamulkaas, waxaana maalintii talaadada ahayd ee la soo dhaafay ay u gudbisay golaha wasiirada maamulkaas oo isagana maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyay.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka K.Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa sheegay in Sharcigan maalmaha soo socda loo gudbin doono baarlamaanka K.Galbeed si loo ansixiyo ka hor inta aan la dhaqan gelin.

Ansixinta sharcigan ayaa imaanaaneysa iyadoo qaar badan oo ka tirsan deegaanada maamulka K.Glbeed aysan lahayn maamulo shaqeeya ayna ka jirto dhibaato ba’an oo ay shacabka deegaanadaas u qabaan maamul ka taliya deegaanadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran