Qiimaha Qudaarta Ee Suuqyada Muqdisho Oo Sare U Kacay Iyadoo Qudaartii Goblka Sh.Hoose…

Qiimaha qudaarta lagu iibiyo magaalada Muqdisho ayaa aad u qaaliyoobay mudadii ugu dambeysay kadib markii ay yaraadeen dalagyadii ka soo go’ayay beeraha gobolada Soomaliya gaar ahaan gobolka Sh.Hoose.

Sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhaca wax soo saarka aya ah in abaaraha ka dilaacay gobolkada soomaliya. Digirta oo kale waxaa lagadaa nuuca gaduudan 34 kun halka markii hore lagadi jiray 12 kun digirta cadna waxaa lagadaa 26 kun horyna waxaa loo gadi jirat 15 kun.

Inta badan abaarta ku dhufatay waddanka ayaa waxay sababtay inay yaraadaan wax soo saarka beeraha,kuwaasi oo si wacan awal wax u soo saari jiray,waxayna abaartaas ay saameyn weyn ay ku yeelatay ganacsatada iibisa khudaarta nuucyadeeda kala duwan.

Sidoo kale sare u kaca ku yimid khudaarta ayaa waxay culeys weyn ku tahay dadka danta yar kuwaas oo aan awawoodin inay gataan khudaarta.
In kasta oo meelaha qaar roobab ka bilowdeden hadana lama hubo sida ay wax uga badli doonaan sare u kaca qiimaha khudaarta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran