General Cabdullahi Waafow Oo Gaaray Deegaanka Buufow

Gudoomiyaha Degmada No. 50 Cabdullahi Waafow ayaa booqasho ku tagay deegaanka Buufow ee Gobolka Sh.Hoose.

Booqashada Gudoomiye Waafow ayaa ku saabsan sidii uu u dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolka Sh.Hoose.

Jeneral Waafow ayaa sidoo kale kula kulmay deegaanka Buufow waxgaradka iyo oday-dhaqameedka deegankaas.

Ciidamada dowladda ayaa dagaal culus kula jiro maleeshiyada Alshabab, kaas oo looga xoreynayo gobolka, dagaalkaas oo lagu wado in dhowaan uu ku fidi doono deegaano kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran