Sambaloolshe Oo Xilka La Wareegay, Fariin Culusna Diray

Taliyaha cusub ee hay’adda Nabadsugidda Maxamed Cabdullahi Sambaloolshe ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Cabdullahi Gaafow.

Xafladda xil-wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka ammaanka.

Shambaloolshe oo hadal ka jeediyay xafladda xil-wareejinta ayaa sheegay in uu wax weyn ka qaban doono ammaanka dalka isagoo la kaashanaya shacabka Soomaliyeed.

Sambaloolshe oo horay u soo noqday taliyaha Nabadsugida xilligii madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa wax weyn ka qabtay ammaanka magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE