Taliye Ka Horyimid Xil-kaqaadis Lagu Sameeyay

Taliyaha saldhiga Xamarweyne Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo maalintii shalay ahayd uu xilka ka qaaday wasiirka ammaanka ayaa ka hor yimd xilka qaadista lagu sameeyay.

Taliye Cabdulqaadir Shire ayaa sheegay in wasiirka Amniga uusan xilka ka qaadi karin balse uu xilka ka qaadi karo kaliya taliya ciidamada Booliiska.

Xilka qaadista taliyaha saldhiga Xamarweyne ayaa timid kadib markii wasiirka amaanka uu xilli habeen ah booqasho ku tegay saldhiga xamar weynay uuna la kulmay xaakad dayacnaan ah, kafibna uu taliyaha xil-kaqaadis ku sameeyay.

Wasiirka ammaanka ayaa si ku meel gaar ah xilka taliya saldhiga Xamar weyne ugu magacaabay ku xigeenka saldhiga Siidow Macalin Isaaq

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran