Wasiir Bayle Oo Maanta Kumanaan Doolar Uga Soo Badbaadiyay Dowladda Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Maaliyadda Dr.Cabdiraxmaan Bayle ayaa maanta tegay garoonka Aadan Cadde si uu lacagta canshuurta ah ee ka soo xaroota Qaadka uga soo qaado halkaas.

Wasiir Beyle ayaa markii uu tegay Garoonka Waxa uu gacantiisa ku soo qaaday dhammaan lacagihii canshuurta ahaa ee laga qaaday qaadka ka yimaada Kenya.

Warar laga soo xigtay mid ka mid ah ganacsatada qaadka ayaa sheegaya in horay lacagaha ka soo xarooda Qaadka kala bar kaliya ay ku dhici jireen akoonka wasaaradda maaliyadda, inta kalena la musuqmaasuqi jiray, iyadoo maanta aysansidaas wax u dhicin, lacagihii qadka dhammaan ay ku soo xaroodeen wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle oo horay u ahaa wasiirka arimaha dibadda ayaa lau ammaana inuu yahay shaqsi ka hufan musuqmaasuqa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE