Xildhibaan Laga Soo Masaafuriyay Kismaayo

Maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka soo musaafuriyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo lagu eedeeyay in uu waday mooshin lagu ridayo gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cali Maxamed ayaa ammarka looga soo ceyriyay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in uu bixiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kadib markii xildhibaanka uu diiday codsi uga yimid madaxweynaha oo ahaa in uu joojiyo Mooshinka uu wado

Xildhibaan Cali Maxamed ayaa hadda ku soo wajahan magaalada Muqdisho waxa uuna ku tilmaamay ka soo masaafurintiisa magaalada Kismaayo mid cadaalad daro ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE