Xog: Maamulka K.Galbeed Oo Degmooyinka Maamulkaas U Qeybiyay Darajada Kowaad Iyo labaad( Halkee Ku Jiraan Degmooyinka Sh.Hoose?)

Waxaa maalinta berrito ah ka furmaya magaalada Baydhabo kalfadhigi labaad ee Baarlamaanka maamulka K. Galbeed.

Furitaanka kulanka kalfadhiga ayaa lagu wadaa in uu ka soo qeybgalo Madaxweyne Sh. Xasan, waxaana gudoonka Baarlamaanka uu soo gudbin doonaa qorshe howleedka.

Marka ay furmaan kulamada rasmiga ah ee Baarlamaanka ayaa howsha ugu horeysa ee uu qaban doono ay tahay in ay ka doodaan sharciga dhisitaanka maamul hooseedyada degmooyinka maamulka K. Galbeed.

Ilo xogogaal ah oo u waramay shabakadda Markacadey.com ayaa sheegay in sharcigaas la horgeyn doono Baarlamaanka uu degmooyinka seddexda gobol ee maamulka K.galbeed u qeybinayo Darajada Kowaad ama class A iyo Darajada Labaad ama Class B.

Ilaha aan warkan ka soo xiganay oo aan weydiiney sababta degmooyinka loogu qeybiyay A iyo B iyo waxa lagu dhisay kala qeybinya noocaas ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo balse waxa uu sheegay in ay lagu shuraadaha lagu kala qeybinayo tirada dadka degan iyo dhaqaalaha degmada.
Wuxuu sidoo kale sheegay isha aan warkan ka soo xiganay in inta badan degooyinka maamulkaas oo ay ku jiraan kuwa Sh.Hoose ay yihiin Class A.

Maamulka K.galbeed ayaa sharcigan uga gol-leeyahay in uu ku dardargeliyo dhismaha maamulada degmooyinka K. Galbeed taas oo qeyb ka ah qorashe uu ku doonayo in la helo maamul shaqeeya oo ka hanaqaada degmooyinkaas, si ay ugu suuragasho in maamulka uu u soo guuro magaalada Baraawe ee gobolka Sh. Hoose

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE