50 Guri Oo Ku Burburay Roob Ka Da’ay Gobolka Shabeelaha…

Roob ka da’ay gobolka Sh. Dhexe ayaa sababay burburka guryo badan oo dhaca deegaanka Koongo ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Degaanka Koobgo oo 15km u jira Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka da’ay Roob dabeyl watay kaas oo saameyn taban ku yeeshay dadka degaanka islamarkaana geystay khasaare Hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay 50 Guri oo ay degganaayeen dadka degaanka iyo Goobo Ganacsi oo u badan Dukaamo ayaa ku bur buray Roobka ka da’ay Degaanka Koongo ee Gobol Shabeellaha dhexe.

Guryaha burburay ayaa ka sameysnaa Dhis iyo Jiingado,waxaana horay u qaatay dabeyshii ka dhalatay Roobka go’ga ee ka curtay Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran