Dowlada Madaxweyne Farmaajo Oo Mid Ka Mid Ah Horjoogayaasha Gubay Degmada Nambar50 U Magacaabay Xil Culus

Dowlada Madaxweyne Madaxweyne Cabdulaahi Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafey wadey xil magacaabis iyo ka qaadis, ayaa xil muhiim ah saacadihii lasoo dhaafey u magacaawdey mid ka mid ah Saraakiishii dowladii Xasan Sheekh.

Sarkaalkan oo lagu xasuusto barakicii iyo xasuuqii ka dhacey Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa lagu abaal mariyey xil muhiim oo looga magacaabey Ciidamada Xoogga dalka.

Maxamed Maxamuud Xasan Qaafow oo mar soo noqdey Taliyihii Qeybta 12-ka Abriil ayaa markan waxa loo magacaabay Abaanduule ku xigeenka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana uu ka hoos shaqeyn doonaa Abaanduulaha Ciidamada Jenaraal Caanood.

Qaafow ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxay ku xasuustaan dhiigii faraha badnaa ee sawabtiisa uga daatey Shacab badan oo ku dhaqan Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana dowlada Farmaajo oo la filaayey in ay iska ilaalin dooto dadka Dembiilayaasha ah ay noqotey mid xilal ugu abaal guda Godobtii ay ka galeen dad Shacab ah.

Qaafow ayaa sanadii 2013-kii dagaal ay hormuud ka ahaayeen isaga iyo horjoogihii halaagsamey ee Goobaale waxay lagu gubey guryo gaaraya ilaa in ka badan 400 Guri oo ay degenaayeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn mana jirin dowlada kula xisaabtanta dambigii ay galeen.

Ka fiirsasha la’aanta Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay dhalin kartaa in Saraakiil Gacmahooda uu dhiig ka daadanaayo loo magacaabo jagooyin aanay u qalmin iyo dalacsiin aanay xaq u yeelan, waxaana durbaba soo baxaya in tiro magacaabis ah oo dowladan cusub ay sameysay ay yihiin kuwo lagu deg degay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE