Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Dalaal Ka Noqday Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar oo mudadii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa isu bedelay dalaal kadib markii uu ka soo tagay magaalada Marka.

Gudoomiye Xasan Cumar oo aan iska casilin jagadiisa ayaa magaalada Muqdisho ka noqday dalaal macaamiisha u keena mid ka mid ah Shirkadaha Daawada keena magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Xasan Cumar ayaa inta badan lagu arkaa magaalda Muqdisho isoo suuq-geynaya daawada ay iibiso shirkadaas, waxa uuna guud ahaan ka soo wareegay magaalada Marka.

Waxaa ka jirta xilligan magaalada Marka maamul la’aan iyadoo dadka magaaladana ay wajahayaan dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah oo aysan jirin wax maamul ah oo wax ka qabta, gudoomiyaha ay waxqabad ka sugayeena waxa uu dalaal ka noqday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Xasan Cumar ayaa dhowr jeer waxaa loogu baaqay in uu iska casilo jagadaas mar hadii uu ku guul dareysatay in uu howshiisa guto laakiin waa uu ka gows-adeegay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran