Kalfadhiga Baarlamaanka K.Galbeed Oo Furmay Iyo Isku-shaandheyn Lagu Wado..

Madaxweynaha maamulka K.Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka furay magaalada Baydhabo Kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana ka soo qeyb galay 92 xildhibaan.

Dhanka kale, madaxweyne Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in uu isku-shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasaradda kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada K.Galbeed ay mudadii ugu dambeysay wadeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan.

Warar ay heshay Markacadey.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha K.Galbeed uu doonayo in uu ku qanciyo isku-shaandheynta uu damacsan yahay dhowr jiho oo mucaaradsanaa mudadii ugu dambeysay maamulkiisa.

Isku-shaandheyntan oo aan waqti xadidan loo qabanin ayaa noqonaysa talaabadii labaad ee maamulka Shariif Xasan uu isaga qafiifiyo cadaadiska saaran kadib markii maalmo ka hor magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan maalmo socday oo lagu sheegay in bulshada ay kula xisaabtamayeen maamulka K.Galbeed.

Dhanka kale, waxaa weli socda mooshinka ay wadaan xildhibaano lagu sheegay in ay gaarayaan 70 xildhibaan, lagana yaabo in furitaanka kalfadhigan maanta furmay kadib ay soo cusbooneeyaan Mooshinka ay wadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran