Kumanaan Soomali Ah Oo Laga Soo Musaafurinayo Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa  wada qorshe ay dalkeeda kaga soo musaafurineyso in ka badan 4,000  kun oo qof oo soomali ah, laguna soo celinaayo Soomaaliya.

Safiirka Soomaliya ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku soo wargelisay safaaradda Soomalida qorshahaas.

Axmed Ciise Cawad safiirka Soomaliya ee dalka Mareykanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka lagu soo celinayo Soomaliya in aysan aheyn kuwa ku jira Xabsiyadda oo keliya ee ay ku jiraan kuwo kale oo hadda ku nool Mareykanka.
Mudane Cawad ayaa xusay in uu la kulmi doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka uun arintaasi kala hadli doono.

Safiirka ayaa tilmaamay in tan iyo markii dib loo furay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka in ay jireen dad badan oo lagu soo celiyay Soomaaliya ,islamarkaana laga soo tarxiilay Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa horey wu saxiixay ammar looga musaafurin karo Soomali badan dalka Mareykanka, wuxuuna ka mamnuucay in ay Mareynka soo galaan Muwaadiniinta 7 dal oo Muslim ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE