Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Noqdey Mid Ka Mid Ah Magacaabistii Dhawaan Uu Sameeyey

Ka dib xilal dhowr ah oo uu magacaabey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu ka noqdey magacaabista hal sarkaal.

Cabdifataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo loo magacaabey Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabad sugidda qaranka ayaa waxa dib looga laabtey Wareegto uu soo saarey Madaxweynaha.

Cabdifataax Shaawey oo kasoo beesha Murusade ayaa horey usoo noqdey Gudoomiyey ku xigeenkii Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkii Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayaa waxa dacwado kasoo gudbiyey Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda.

Eedaha loosoo jeediyey Shaawey oo aan la cadeynin ayaa keentey in Madaxweyne Farmaajo uu soo saaro warqad uu ku kansalaayo magacaabidda ina shaawey ee Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda qaranka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran